July 30, 2015 | Posted by admin

Saraakiil ka tirsan dowlada Afghanistan ayaa shaley sheegey in hogaamiyihii baxsadka ahaa ee Taliban Mulla Cumar uu dhintey isagoo laba sano ka hor ku dhintey dalka Pakistan.
Waxa ay saraakiishu sheegeen inuu Mulla Cumar ku xanuunsanaayey cuspital ku yaala magaalada Karachi isagoo si shaki leh halkaas ugu geeriyoodey.
Abdul Hassib Seddiqi, afhayeenka heyada sirdoonka ee Afghanistan ayaa sheegin waxa uu yahay shakiga iyo hadii ay heyadiisu ogeyd mudadaas warkan dhimashada.
Xafiiska Madaxweyne Ashraf Ghani’ ayaa sidoo kale sheegey in Mulla Cumar uu dhintey sanadkii 2013ka, balse Taliban ayaa sheegtey in Mulla uu wali nool yahay.
Washingtona Aqalka Cad ayaa sheegey in wararka ku saabsan dhimashada Mulla Cumar ay yihiin kuwo la aamini karo balse waxa ay xuseen in ay heyada sirdoonka Mareykanka ay arrintaas baari doonaan.

COMMENTS