June 9, 2012 | Posted by admin

Soomaalia-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dhaawaca wariye Maxamed Shariifka oo ka howlgaleyey Radio Barkulan.

Saxafigan oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Shariif Nuur ayaa haatan ah dhaawac culus kadib marki ay shan xabadood kaga dhacday qeybo ka mid ah jirkiisa.

Shariifka ayaa haatan lagula tacaalayaa xarun caafimaad oo ku taala magaalada Muqdisho waxaana wararku ay sheegayaan in caloosha uu dhiig uga furmay.

War laga sii daayey Radio Bar-kulan ayaa lagu sheegay in dhaawaciisa ay ka danbeeyeen sadex nin oo bistoolado ku hubeesnaa kuwaasi oo goobta ka baxsday.

Waa saxafigi labaad oo dhib loogu geysanayo magaalada Muqdisho mudo 3 todobaad gudahood, dhawaan ayaa waxaa la dilay wariye Canshuur oo ka tirsanaa Radio Shabelle.

COMMENTS