March 1, 2015 | Posted by admin

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo ka dhacay inta u dhaxeyso xaafadaha NBC iyo Albaraka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Gaarigaani qarxay ayaa waxaa xiligaasi daba socday Gaari ciidan oo ay la socdeen Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia oo qaraxa gaariga ka hor helay xogta gaarigaasi, waxa ayna kasoo bursadeen Isgoyska Black Sea, iyadoo raggaasi markii dambe ay gaariga ula carareen dhinaca Albaraka.

Qaraxa ayaa waxaa ka horeeyey rasaas xooggan oo dhexmartay ciidamada dowladda iyo labo nin ee saarnaa gaarigii la ceersanayay, kuwaasi oo markii dambe gaariga ka cararay, gaarigiina uu halkaasi ku qarxay.

Goobjooge halkaasi ku sugnaa ayaa yiri ”Markii hore waxaa nasoo galay laba gaari oo is eryaneyso, Gaariga qaraxa siday ayaa laga dabo yimid, labadii nin ee watay waa ka carareen, kadibna gaarigii waa uu qarxay”.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Maamulka Gobolka Banaadir C/qaadir Cali Kullane, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah saddex nin oo gaarigaasi la socotay, isla-markaana ay ninkaasi qabteen isagoo dhaawac culus qaba.

Wuxuu sheegay in ruuxaasi ay qabteen uu ahaa dhaawac, islamarkaana mudo kadib uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Ugu dambeyntii, Qaraxaasi ayaa la soo sheegayaa inuu khasaaro u geystay Ciidamo ka tirsanaa Dowlada, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Daru shifa.

COMMENTS