March 31, 2015 | Posted by admin

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inaanay Soomaaliya ka arrimin karin Madaarada iyo Dekeddaha Somaliland kadib markii sida uu yiri dowladda Soomaaliya sheegtay inay Dhinacyada Hawada iyo Badda ku taageerayso Isbahaysga Carabta ee Yemen Duqaynta ka wada.

Wasiir Warancadde oo BBC-da u waramay waxa uu sheegay in sidii Madaxweyne Siilaanyo sheegay Somaliland taabacsan tahay dawladda sharciga ah ee Yemen kana soo horjeedo Kooxaha qalalaasaha wada.

Warancadde oo la waydiiyay in wadamada Carbeed kala xiriireen isticmaalka dekedaha iyo madaarada Somaliland ayaa sheegay inuusan ilaa haddan jirin xiriir nuucaas ah.

“Illaa hadda cid nala soo xiriirtay oo na waydiisatay haba yaraatee ma jirto, haseyeeshee anaga iyo Yemen waxa noo dhexeeyaa way yar tahay, meel istiraatiji ah baanay Somaliland ku taalaa, markaa haddii dhibaatadu sii adkaato in arrintaasi nagu lug yeelato waa suuro gal” ayuu yiri Warancadde.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Somaliland ka tashan doono go’aanka uu qaadanayo haddi wadamada Carbeed weydiistaan iney adeegsadaan garoomada iyo dekedadaha deegaankaas ku yaalla.

“Berbera Umadda Somaliland iyo dawladdeeda ayaa leh, wixii looga baahdana annagaa nalagala xiriirayaa, wax Soomaaliya lagala xiriirayo iyo waxay bixin karaan midna ma jirto”, ayuu yiri Wasiir Warancadde.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland laga dareemay saamaynta dagaalka Yemen oo miciishada iyo ganacsiga xoolahaba muhiim u ahaa, balse haatan kala go’ laga dareemayo.

Dowladda Soomaaliya ayaan sheegin iney la weydiistay dekedo iyo garoomo diyaaradeed si loogu adeegsado howlgalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta dalka Yemen oo afgembiyey dowladda dalka ka jirtay.

COMMENTS