July 22, 2017 | Posted by admin

Nin maseyrsan ayaa Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa ku dilay Xaaskiisa oo uur lahayd sida ay Idaacadda Mustaqbal u sheegeen dadka degaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu muddo soo taagnaa muranka ka dhaxeeyay Abshiro Sheekh Nuux Maalin oo ah haweeneyda la dilay iyo Saygeeda Aadan Cali Macalin.

Muranka ayaa salka ku haayay in Abshiro uu saygeda uga shakiyay inay xiriir la laheyd nin kale, taasi oo ugu dambeen sababtay xalay inuu gowraco, markii uu u qaatay toorey.

Falkan oo ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ayaa naxdin iyo argagax ku abuuray dadkii xaafadda, waxaana gacan ku dhiiglaha u suuragashay inuu ka baxsado gacanta sharciga.

Arinta kale ee naxdinta leh ayaa ah in Abshiro ay xaamilo aheyd, balse aysan calfan inay dhasho ubadkii ay caloosha ku siday, ka dib markii uu saygeedii u dilay isagoo kaga shakiyay inay nin kale xiriir la leedahay.

Waa arin aad ufool xun oo xiliyada qaar ay ku kacaan raga soomaaliyeed’ waxaana jirta in Haweenay masaysan uu ka daran yahay nin maseersan.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS