July 26, 2016 | Posted by daacad yare

Shirka hogaamiyeyaasha jaamacadda Carabta oo  lagu qabtay  caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott ayaa laga soo saaray war-murtiyeed gunaanadkii shirka, kaas oo arimaha Soomaaliya lagu soo qaaday.

War-murtiyeedka shirka ayaa lagu amaanay dadaalada horumarineed ee ka socda Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya shirkaas ugu qeybgalay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar.

Wasiirka arimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya, mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la hadlay wakaalada wararka ee dalka Mauritania ayaa sheegay in Soomaaliya shirkan ugu faa’ideysan doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha dalka Mauritania, Maxamed Weled C/cziiz oo shirka martigeliyay ayaa bogaadiyay dadaalada ay wadaan shacabka iyo madaxda Soomaalida ee ku aadan soo celinta nabadda iyo xasiloonida wadanka.

Maxamed Weled C/caziiz, madaxweynaha dalka Mauritania ayaa sidoo kale amaanay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM shaqada ay ka hayaan Soomaaliya taas oo ah xaqiijinta amniga iyo nabadgeliyada wadanka geeska Afrika ku yaala ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in wadamada jaamacadda Carabta ugu baaqayo in ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan walalahooda Soomaaliyeed si ay ugu soo kabtaan dhibaatadii ay soo mareen mudadii ka badneyd 25 sano.

Dhanka kale, Amiirka dalka Kuwait, Amiir sabaax Axmed Al-jaabir Al-sabaax uu sheegay in dhowaan dalkiisa lagu qaban doono shir looga hadlayo horumarinta hey’adaha waxbarashada Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa kii 27 aad ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ka jira wadama Suuriya, Ciraaq, Yemen, Falastiin iyo wadamo kale oo ka tirsan jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay.

COMMENTS