March 10, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Mogadisho: War caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somalia(villa Somalia), ayaa lagu beeniyey warar sheegaya in aqoonsigii lagala noqday maamulka Khaatumo.

Warkan oo saaka ku soo baxay warbaahinta qaarkood ayaa noqday mid aan Madaxweynaha ka soo bixin, kadib markii xiriir la sameeyey xafiiska Madaxweyne Shiikh Shariif iyo madaxda Khaatumo State ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Warqadan laga dhigay iney ka soo baxday Xafiiska Raiisal wasaaraha ku xigeenka ayaa farta lagu fiiqayaa inay si bug ah u soo farsameeyeen dhalinyaro reer Puntland ah, kuna faafiyeen mareegaha internetka qaarkood ee inta badan gacan bidexeeya maamulka cusub ee khaatumo.

Dhanka kalena waxaa maalinta berri ah ka dhacaysa Hoteel Saxaafi ee magaalada Muqdisho xaflad ballaadhan oo lagu taageerayo heshiiska wada shaqaynta ee dhexmaray Dawladda Fedraalka iyo Maamulka Khaatumo.

Xafladan ayaa la sheegay inay ka soo qaybgeliyaan madaxda sare ee dawladda Federaalka Somalia, Wasiiro, Xildhibaano, Hay’adaha caalamiga ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho.

COMMENTS