July 22, 2014 | Posted by admin

Qarax miino ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in gaariga loogu xiray Mas’uulkaasi oo ka tirsanaa Guddoomiye waaxeedyada Degmadaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Dooli.

Qaraxa ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay isla Degmada Wardhiigleey, waxaana xiligaani halkaasi ku sugan Ciidamada Ammaanka oo baarayo Qaraxa.

Gaariga Guddoomiyaha ayaa waxa uu yiilay inta u dhaxeeysa Isgoyska Cali Kamiin iyo Furayaasha ee Degmada Wardhiigleey, waxaana Qaraxa kadib la maqlaayay Rasaas ay furayeen Ciidamadad Dowlada oo ay ku cabsi galinayeen dadka goobta ku sugnaa.

Dhaka kale, Gudoomiyaha Wardhiigleey Yaasiin Nuur Ciise oo ka hadlay Qaraxa ayaa waxa uu sheegay inuu geeriyooday Gudoomiye Dooli,kaas oo Caawa lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Qaraxaasi ay ku tuhmayaan shaqsiyaad, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan, mana uusan ka bixin faahfaahino dheeraad ah.

COMMENTS