July 6, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanada Soomaalida oo iyagu loo-wakiishay inay soo magacaabaan Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo soo xulista xubnaha cusub ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa loo-sameeyay muddo kororso.

Kadib markii Odayaasha Dhaqanka ay si weyn uga qaylo dhaamiyeen fara-gelin joogta ah oo ay sheegeen inay ku hayeen Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, kana soo horjeesteen in si deg deg ah lagu Ansaxiyo Dastuurka Qabyo Qoraalka, iyadoo aan la-sheegay dhaliilaha Dastuurka, ayaa waxay Xukuumadda Somaliya ay ugu dartay muddo 12 cisho ah.

Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee iyagu loo-wakiisha meel marinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in loo-sameeyay muddo kororsi dhan 12 cisho ah, sida uu yiri.

“Waxaan horey Dowladdu ugu sheegnay haddii la-doonaayo wax wanaagsan oo ay Soomaali ku dhaqanto, in nala siiyo waqti aan ku sheegno wanaaga iyo dhaliilaha uu lee-yahay Dastuurka, taasna way naga aqbashay Dowladda” ayuu yiri Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa inoo sheegay in Dowladdu ay muddo 12 cisho ah inoo siisay inaan ku soo gudbino Dastuurka Ergaydii Ansaxin laheyd, anagana waxaan diyaar u nahay inaan soo gudbino, balse marka hore waxaa ka horeysa inaan baal baal u rogno Dastuurka, sheegnana macnaha uu ku fadhiyo” ayuu yiri Ugaas Suuleey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Odayaasha Dhaqanka aysan iyagu diidaneyn Dastuurka, balse ay doonayaan sida uu yiri inay wada ogaadaan Dastuurka waxa uu yahay iyo in lagu dhaqi karo Ummada Soomaaliyeed iyo in kale.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay ka biyo diideen in lagu khasbo meel marinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, iyagoo aan isla eeg eegi waxa ku qoran iyo sida uu yahay, maadaama la-doonaayo in lagu dhaqo dal, ay dadkiisu yihiin Muslimiin.

COMMENTS