May 23, 2013 | Posted by admin

Axmed Cabdalla Cusmaan “Axmed Inji” ayaa wuxuu si kulul uu u cambaareeyay fal Arbacadii lagu gawracay nin adeer u ah iyo wiil uu dhalay, oo ka dhacday Deegaanka Duduma qaris ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee dhinaca ammaanka Axmed Cabdalla Cusmaan, oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqisho, ayaa wuxuu ka hadlay nin Nabadoon ah oo shalay lagu dilay Deegaanka Duduma qaris.

Nabadoon Xuseen Aadan Toori oo kamid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Deegaanka, ayaan la garaneyn ujeedadii dhabta ahayd ee ka dambeysay in la dilo.

Laakiin Axmed Cabdalla Cusmaan ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay inaan waxaan macno laheyn, ay ku dileen nin adeerkii ah iyo wiil uu dhalay.

“Nabadoon Xuseen Toori waxaa lagu dilay, isagoo adeer ii ah. Si xun ayay u dileen isaga iyo wiil uu dhalay.” ayuu yiri Axmed Cabdalla Cusmaan.

“Odayga adeerka ah ee dileen wuxuu ahaa nin weyn oo da’ ah, boqol sano jir ayuu ahaa. maxaa laga dilayaa nin boqol sano jiro?” ayuu isweydiiyay Axmed Inji.

“Dilka adeerkey waxba kama faa’iidayaan inuu isaga Janno ku galo maahee. Xaq daro ayay dadka ku dilayaan.” ayuu si adag uu u yiri Axmed Inji.

Axmed Inji ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku dhaleeceeyay inay iska baneysanayaan dhiigga Ummada Soomaaliyeed, iyadoo aysan jirin buu yiri wax qiil ah oo ay u hayaan.

COMMENTS