August 2, 2014 | Posted by admin

War goor dhow aan ka helnay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi ka bilowday Howlgalo culus oo ay ka qeybqaadanayaan Ciidamadda AMISOM.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Ciidamadu ay xireen wadooyinka gala garoonka diyaaradaha, Buulaxubeey iyo wadooyin kale, kuwaasi oo baaraya gaadiidka iyo dadka wadooyinka isticmaalayo.

Howlgalka ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Saakay aroortii uu halkaasi ka bilowday illaa iyo iminkana uu socdo, waxa ayna Ciidamadu beegsanayaan goobaha ganacsiga iyo gaadiidka laga shakiyo, iyadoona baaritaanka ay ka caawinayaan Eeyo u tababaran urinta miinooyinka iyo wixii la halmaan.

Dhanka kale, xaafadaha ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa ciidamo dharcad ah kuwaasi oo iyaguna baarayo dadka xaafadaha iyo gaadiidka waxa uuna Howlgalku imaanayaa iyadoo dhawaan Degmada Hodan laga soo qabqabtay Hub culus.

COMMENTS