June 27, 2015 | Posted by admin

Waxaa Goordhaw Magaalada Cadaado la filayaa in ay ka bilaabato doorashada Gudoomiyaha Baralamaanka Maamulka Galmudug iyo kuxigeenkiisa, waxaana hada socda Khudbooyinka ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilalkaaasi.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug waxaa u taagan sadax Musharax oo ku loolamaya hanashada xilkaasi, waxaana hada Khudbad jeediyay labo kamid ah Musharixiinta kuwaa oo ka hadlayay waxa ay qaban doonaan hadii ay xilkaasi kusoo baxaan.

Xarunta ay Doorashado ka dhaceyso ayaa si weyn loo adkeeyay amaankeeda, waxaana halkaasi ku sugan Masuuliyiin , Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo goob joog u ah doorashada maanta dhaceysa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Doorasahada Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ugu cad cad yahay Musharax Cali Gacal Casir kaa oo la tilmaamayo in uu heesto taageerada ugu badan ee Baarlamaanka Galmudug, waxaa sidoo kale isna aan yareesan Musharaxa kale ee Cabdulaahi Aasbaro.

COMMENTS