August 30, 2014 | Posted by admin

War goor dhow naga soo gaaray Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia oo garabsanaaya kuwa AMISOM iyo Alshabaab oo dhinac ah.

Wararku waxa ay soo sheegayaan in Dagaalka uu xiligaani ka socdo laba qeyb oo kala ah Shalaanbood iyo qoryooley ee Gobolka sh/hoose, waxaana la soo sheegayaa in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ay adeegsanayaan Hubka culculus.

Sidoo kale, wararku waxa ay Tibaaxayaan in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay si buuxda ula wareegeen Deegaano ay kamid tahay farxaane oo duleedka ka ah buulamareer, iyadoona ay xiligaani ay kaabiga ku hayaan Deegaanka golweyn.

Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa in Deegaanadaasi ay kusii qulqulayaan Ciidamo gurmad u ah DF, AMISOM.

Weerarada ay waxaa qaaday Ciidamada Huwaanta, waxa uuna kusoo beegmayaa weerarkaani xilli Talisyada CXD iyo AMISOM ay ku goodinayeen inay qaadi doonaan weerarkii ugu dambeeyay oo Alshabaab looga sifeyn lahaa Dalka.
Lasoco wixii soo kordha wararkeena dambe.

COMMENTS