January 29, 2013 | Posted by admin

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Warqoraal ah oo kasoo baxay xafiiska dhanka warfaafinta Shabaab u qaabilsan ayaa waxaa lagu sheegay in Xarakada Shabaab ay ka dambeeyeen weerarkaasi ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ismiidaaminta ay ku dileen 7-katirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida iyaga oo Shabaab qoraalkooda ku sheegay in saddex kamid ah ciidanka geeriyooday ay si gaar ah u ugaarsanayeen halka sidoo kale tobaneeyo kale ay sheegeen inay dhaawaceen.

Qoraalka Shabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi laga fuliyay inta udhaxeysa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale Safaarada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya oo qaraxaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay fashiliyeen qaraxaasi oo uu fuliyay ruux naftii hure ah kahor inta uusan isqarxina ciidamada Dowladda ay toogteen.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada Dowladda iyo ruuxa isqarxiyay halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda gaar ahaan ilaalada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

COMMENTS