June 20, 2012 | Posted by admin


DUHUR-Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, Sirdoonka Dowladda KMG ah ayaa helay warbixino la xariira Hoggaamiyaha Shabaab Axmed Cabdi Ow-Maxamuud oo loo yaqaan Abuu Zubeyr kadib markii ciidamada Sirdoonka ay qabteen Haweeney u dhaxday Abuu Zubeyr balse sheegtay iney kala tageen.

Haweeneydan oo lagu qabtay degmada Afgooye mudo Labo maalmood ah la haayay, wareysina lala yeeshay ayaa waxay sheegtay ineysan xiligan ogeyn halka uu ku sugan yahay Axmed Godane, iyadoo markii danbe la sii daayay markii la ogaaday iney kala tageen.

Dhinaca kale Magaalada Marka oo xarun u ah Shabeellaha hoose waxaa buux dhaafiyay Ciidamada Al Shabaab iyo saraakiishooda kuwaas oo laga saaray Afgooye iyo ceelasha biyaha.

Mid ka mid ah ganacsatada Magaalada Marka ayaa sheegay in khatar aad u weyn soo wajahday xataa aysan awoodi karin in telefoonada sidii ay doonaan uga hadlaan.

Marka aad telefoon ku hadlaysa waa inaad waqtiga soo koobtaa, wadadii aad marta kuma soo laaban karto, dhinacyada ma eegi kartid, socodkaada waa inuu xad lahaada:ayuu yiri Ganacsadahaas degan Magaalada Marka.

Baraawe ayaa ka mid ah degaanada indhaha la isku haayo oo la wada eegaya cid walba oo Magaalada soo gasha ama ka baxaysa.

Xataa waxaa lala socda guri kasta cida ku nool ayuu yiri Mid ka mid ah dadka degan Baraawe.

Tan iyo markii Mareykanka amar ku bixiyay in la soo sheego Madaxda sare ee Shabaab waxaa la adkeeyay amaanka degaanada ay ku sugan saraakiisha Shabaab.

Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah degaanada ay ku xoog badan yihiin Shabaab.

dadka Magaalada ku nool waxay qaati ka taagan yihiin Sirdoonka Shabaab iyo Ciidamo dabagalka qaabilsan kuwaas oo si gaar ah ula socda dhaqdhaqaaqa dadka caadiga ah ee Magaalada jooga.

Xubnaha ugu sareeya Shabaab Sida Axmed Cabdi Godane, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Fu’aad Shangole, Ibraahim Afqaan iyo kuwa kale ayaa madaxooda la dul dhigay lacag fara badan.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa la adkeeyay amaanka raggaas iyadoo la kala qaaday lana geeyay degaano kala duwan.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaano Abuu Mansuur ayaa ku dhuumanaya degaano ka tirsan Gobolka Baay halkaas oo dadkiisa ay degan yihiin waxaana la soo sheegaya in lagu arkay nawaaxiga Degmada Diinsoor isagoo amaankiisa ay ilaalinayan dhawr qof.

Fu’aad Shangole ayaa isna lagu arkay nawaaxiga Marka waxaa la soo sheegaya inuu ku sugan inta u dhaxeysa Marka iyo Baraawe halkaas oo dhawr jeer lagu arkay.

Ibraahim Afqaan ayaa isna habeen hore lagu arkay magaalada Jilib isagoo la socda gaari yar oo kuwa raaxada ah.

Laakiin Axmed Godane Amiirka Al Shabaab ee madaxiisa la dul dhigay 7 Milyan oo Dollarka Mareykanka ayaa la ogeyn meel uu ku sugan yahay mana jirto cid si dhab ah u xaqiijin karta halka uu ku nool yahay.

Sirdoonka Mareykanka ayaa isna dardar xoogan geliyay ragga la shaqeeya ee ku sugan Soomaaliya waxaa hadda socda xog ururis iyo kala qaadasho warbixin iyadoo la damacsan yahay in tallaabo la mid ah midii laga qaaday Aadan Xaashi Ceyrow iyo Saalah Nabhaan laga qaado xubnaha haatan lagu raad joogo.

Ilaa iyo hadda meel faqaaro ah laguma arkin Xubnaha la raadinayo tan iyo markii madaxooda la dul dhigay lacagta Mareykanka abaal marinta u bixin doono marka la soo sheego xubin ka mid ah Madaxda Shabaab.

COMMENTS