January 8, 2013 | Posted by admin

Wafdi ka socday Midowga Africa oo uu hogaaminayay wakiilka midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ka socday midowga Africa ayaa waxaa hoggaaminayay wakiilka cusub ee midowga Africa ay u soo magacaawday Soomaaliya Saleh Annadif, waxaana socdaalkiisa ku wehliyay taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM iyo xubno ka tirsan midowga Africa

Wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Waxaana wafdiga loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Filla Soomaaliya halkaas oo la filayo in ay kulan kula qaataan Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

COMMENTS