December 18, 2012 | Posted by admin

Wakiilka Al-shabaab ay u xilsaarteen in uu qaska iyo qalaanqulka ka wado dalka Kenya ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamada amaanka dalkaasi iyo police-ka oo iskaashanaya kadib baritaan waqti badan qaatay oo ay ku baadi goobayeen. Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Xamaadi Cali ayaa waxaa lagu qabtay Magaala Xeebeedka Mammbaasa ee dalka Kenya, isaga iyo sedax ruux oo kale kuwaa oo iyana lasheegay in ay xubna ka ahaayeesn Shabaab ayna maleegayeen weeraro argagaxiso oo Kenya ka dhici lahaa.

Waxa ay sheegeen saraakiisha police-ka Kenya In xamaadi uu ku tababartay gudaha dalka Soomalaiya kadibna loo xilsaaray in uu noqdo masuulka Shabaab u qaabishan dalka Kenya. Dalka Kenya ayaa waayihii danbe waxa uu lugta lagalay fowdo xariir ah kadib markii Ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, waxaana marar badan Shabaab ay ku goodiyeen in ay weerarro dhiig badan ku daato ay ka geysan doonaan gudaha Kenya iyaga oo uga aarsanaya duulaanka ay Soomaliya ku yimaadeen.

Si kastaba hadalka kasoo yeeray dowlada Kenya oo ah in ay qabteen Xamaadi Cali uuna yahay wakiilka Al-shabaab ee Kenya ayaa wali waxaan ka hadlin Hogaanka Al-qaacidada Soomaaliya.

COMMENTS