February 27, 2012 | Posted by admin

Asalaamu calaykum:

Waxaan idiin soo gudbiyey madaxda iyo masuuliyiinta uu madaxweynaha Dowlad goboleedka Mareeg State Mudana. Dayib M. Sheikh uu la kulmay oo kala ah. Madaxda qaranka DFMG ah, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo wasiiradiisa, wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliland, madaxda iyo masuuliyiinta Ahlu sunna wal jamaaca.

Waxa uu ka qeyb galay xafladii weyneyd ee lagu soo dhaweynayey madax iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay London. Waxuuna ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn ah ee loo sameeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Dawlad goboleedka Mareeg State Mudane. Dayib M. SheIkh uu kulan weyn la yeelan doonaa dadweynaha Mareeg State ee London UK maalmaha soo socdo. Inshaa Allaah.

kulama kasta uu madaxweynahu galo sidaas ayaan idinla soo socodsiin doonaa, haddii uu Allaha awooda iska leh idmo.

Mahadsanidiin.
M/Weyne Ku Xigeenka 2-AAD ee Dowlad Goboleedka Mareeg State

Mohamed A. Hagaf.

COMMENTS