February 17, 2013 | Posted by admin

Muqdisho – Wafti uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ay ka mid yihiin Wasiirka maaliyada iyo qorsheynta dowlada Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsann labada gole ee dowlada Soomnaaliya ayaa daqiiqado ka hor ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa u kicitimay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaas oo ay uga qeyb galayaan aas loo samaynayo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey alla ha u naxariistee kaasoo ay shalay magaalada Garoowe ku dileen kooxo dhagar qabayaal ah.
Dowlada Soomaaliya ayaa waftiga u xilsaartay iney dowlada uga qeyb galaan aaska maanta la filayo in loogu sameeyo duleedka magaalada Garoowe Mraxuum Sh C/qaadir Nuur Faarax waxayna Tacsi uga sidaan madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya maamulka Puntland iyo eheladii uu Sheekhu Ka baxay.

COMMENTS