May 17, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wafiga uu xogaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkiisa gudoomiyenimo uu muran ka taagan yahay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaraha Magaalada Baydhabo, yadoo soo dhaweyntiisana ay ka qeyb qaateen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo haween.

Goordhow ayaa lagu wadaa inuu kulamo laqaato Madaxda dowladda, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo Itoobiya ee ku sugan halkaasi oo uu kala hadli doono sida la sheegay arrimo badan oo ay qeyb ka tahay howlgalka Al-Shabaab lagu ciribtirayo ee ka socda gobolkaasi.

Ujeeda ugu wayn ee Shariif Xasan Sheekh aadan uu u tagay Baydhabo ayaa lagu sheegay sidii uu ugala hadli lahaa madaxda dowladda xaqiijinta Ammaanka Baydhabo oo qaraxyo martigelinaysa Muddooyinkaan iyo soo Afjarida dagaalka ka soconaya Gobollada Baay iyo Bakool ee looga sifaynayo ururka Al-shabaab.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hakad geliyay dagaaladii ay kula jiraan Al-shabaab ee ka soconayey gobollada Baay iyo Bakool iyadoo walina magaalada Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda ay kasii soconayaan Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya.

COMMENTS