October 27, 2016 | Posted by admin

Safiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya Muqdisho Amb: Aaden Xasan Aaden oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

Safiirka iyo Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Militariga Wadanka Jabuuti ayaa ujeedada safarkoodu yahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen habsami u socodka hawsha nabad ilaalineed oo ay u joogaan Soomaaliya iyo sidii ay ugu muujin lahaayeen Ciidankooda inay mar walba garab taagan yihiin.

 

Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaliya, Amb. Aden Xasan Aden oo ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan  Al-shabaab ku qaaday Xaruun ay Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen duleedka Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in aysan waxba ka badeli doonin howlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamada Jabuuti ee Hiil walaal u joogaan gudaha Soomaaliya.

 

Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa dhawaan qarax baabuur oo is miidaamin ah ku qaadeen shabaab saldhig ay ku lahaayeen gudaha Magalada beledweyne.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS