October 22, 2012 | Posted by admin

Wafdi ka socda qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa booqashadii ugu horeysey ku tegey maanta magaalada Kismaayo kadib markii ay horaantii bishan la wareegeen maamulka magaaaladaas ciidamada huwanta ah ee isugu jira Soomaali iyo Kenyan.

Wafdigan oo ka kala socday hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay cuntada ee WFP iyo hay’ado kale waxana ay saraakiishan ay la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxa ay ka wadahadleen mas’uuliyiintii ay la kulmeen sidii gargaar cunto ah loo soo gaarsiin lahaa dadka ku nool magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa waxaa ay soo booqdeen isbitaalka magaalada Kismaayo iyo dekeda Kismaayo. Waxana ay wafdigan oo u badnaa saraakiil dhinaca ammaanka u qaabilsan qaramada midoobay ay si gaar ah u eegayeen ammaanka ka jira magaalada Kismaayo.

Booqashadan ayaa waxa ay ku soo beegantay xili xalay bambaanooyin lagu weeraray xarunta maamulka degmada Kismaayo. Weerarkan ayaan la sheegin cid wax ku noqotay iyadoo sarkaal u hadlay maamulka magaalada Kismaayo uu sheegay inaysan jirin waxyeello ka soo gaartay ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo.

COMMENTS