July 26, 2014 | Posted by admin

Muqdisho—Wafddigan oo ka kooban 8 Wasiir oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameed ka soo jeeda Maamulka Puntland ayaa Xalay Madaxtooyada Soomaaliya waxey kula kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Goboleedka Puntland, C.weli Xeri Cabdulle Garaase oo kulanka kadib Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo Dilka Allaha U Naxariistee Xildhibaanada Saado Cali Warsame waxuuna intaa ku daray in Madaxda Dowladda ay u balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan baaritaada lagu hayo Dilka Xildhibaanadaasi.

C.weli Xeri Cabdulle Garaase, Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in sidoo kale Madaxda Dowladda ay kala hadleen Dilka Labo Xildhibaan oo ka soo jeeda Degaanada Puntland kuwaa oo ka horeeyay Xildhibaanad Saado Cali sida Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Xildhibaan Feysal oo siyaabo kala duwan loogu Dilay Muqdisho.

Wafdigan ayaa la ogeyn waqti rasmiga ee imaatinkooda uu ku ekyahay balse booqashada Wafdigan ayaa waxey ka dambeysay kadib markii maalmo ka hor Muqdisho lagu Dilay Xildhibaanad Saado oo si weyn uga careesiisay Maamulka Puntland.

COMMENTS