August 24, 2016 | Posted by daacad yare

Wafdigan oo uu horkacayay madaxa ugu sareeya  Soomaaliya ee hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO Richard Trenchard ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda wasaaradaha beeraha iyo Kalluumeysiga ee dowladda Jubaland.

Wafdiga ayaa ugu horeyn booqday xafiiska wasiirka beeraha dowladda Jubaland halkaasoo ay kulan kula qaateen wasiirka wasaaradda beeraha iyo qaar kamid ah howlwadeennada wasaaradda, ayagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira beeraleeyda Jubaland.

Wasiirka wasaaradda beeraha Jubaland Mudane Geelle Max’ed Aadan ayaa wafdiga xog ka siiyay beeraleeyda Jubaland iyo caqabadaha ka heeysta dhanka wax soo saarka, isagoo hay’adda ka codsaday in ay garab istaagto beeraleeyda kana caawiso duruufaha adage e ay ku shaqeeyaan waxaana hay’adda laga codsaday in ay xafiiis ka furato magaalada Kismaayo, si ay wax badan uga qabato deegaanada Jubooyinka.

Wafdiga oo ujeedka socdaalkiisa ay ahayd u kuurgalidda xaaladda beeraleeyda iyo kalluumeysatada Jubaland ayaa sidoo kale booqday xafiiska wasaaradda Kalluumeeysiga iyo kheyraadka badda ee Jubaland, halkaasoo ay kulan kula qaateen wasiirka wasaaraddaasi Mudane Ibraahim Max’ed Cabd iyo qaar kamid ah shaqaalah wasaaradda, waxayna ka dhageeysteen warbixinno la xiriira kalluumeeysatada Jubaland.

Wafdiga ayaa socod kusoo maray goobo ay deganyihiin kalluumeysatada Kismaayo, iyagoo sidoo kale kormeeray xeebta Calanleey oo ay ku xirnaayeen doonyo kalluumeeysi.

COMMENTS