February 25, 2013 | Posted by admin

Wafdi heer Qaran ah ayay dowladda Soomaaliya saaka u dirtay magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, si ay uga qeyb qaataan dadaalada wax looga qabanayo colaada iyo dagaalada ka soo cusboonaaday magaaladaas, kadib dagaal maalin ka hor ka dhacay.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga oo mid heer Qaran ah ayaa kula kulmi doona garoonka diyaaradaha Kismaayo Saraakiisha Ciidamada AMISOM, dhinacyada maamulka KMG ku mideysan, odayaasha iyo waxgaradka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mas’uuliyiinta dowladda ay kala hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa colaada, loona soo afjari lahaa xiisada ka taagan magaalada oo noqotay mid si weyn u hareysay siyaasada dowladda.

Booqashada wafdigan ka socda Dowlada Federaalka ayaa ah mid hal maalin ah, waxaana ay isla maanta dib ugu soo laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa uu dib u dhac ku yimid shirkii maamul u sameynta deegaanada Jubooyinka, iyadoo shirkaas qaban-qaabiyeyaasha ay ku tilmaameen mid u baaqday markii dowladda Soomaaliya ka jawaabi weysay casuumaad loo fidiyay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay shirkaas mid aan lagu wargelin, iyagoo ugu baaqday dhinacyada qaban qaabinaya maamul u sameynta inay Muqdisho isugu yimaadeen shir guud oo wadatashi ah, kasoo fududeeyn doona xaalada cakiran ee Jubooyinka.

COMMENTS