September 15, 2017 | Posted by admin

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa waxa ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, oo maalinta berri ah lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wafdiga Dowladda Federaalka ka socday waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, waxaana la socday Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo xubno kale.

Sidoo kale magaalada Jowhar waxaa gaaray xubno ka socday Beesha Caalamka, urur goboleedka IGAD iyo xubno ka socday African Union.

Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Federalka in ay dhexdhexaad ka tahay Doorashada, islamarkaana aysan jirin Musharax gaar ah oo ay taageersan tahay.

Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horey Dowladda Soomaaliya ugu eedeeyay in ay fara gelin ku heyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

COMMENTS