December 5, 2017 | Posted by admin

Waxaa Maanta Xiray Wadooyinka Waa weyn ee Muqdisho, Waxaana Xiray Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Sababaha Loo xiray ayaa ah Shirka Amniga ee Ka socda Xerada Ifisyooni ee Degmada Waaberi.

Maanta Qaabka Loo xiray Wadooyinka ayaa Ka Duwan Qaababkii Hore, Waxaana Waliba La diidayaa in Shacabku ay ku Lugeeyaan Wadooyinka Muqdisho.

” Kaliya Waxaa La ogol yahay oo Kaliya Dadka Wata Aqoonsiyada, Taas oo Caqabad ku ah, Dadka Shacabka ah.

Shalay ayaa la xiray Wadooyinka Muqdisho, Ka dib Shirkii Ka furmay Muqdisho.

COMMENTS