March 18, 2017 | Posted by admin

Waxaa xiran dhamaan Wadooyinka Muhiimka u ah isu socodka Ganacsiga iyo Dadwaynaha ee Muqdisho.

Dadka Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah oo xiran iyo ciidamo ku sugan Isgoysyada, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka ka celinaya.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka xiran dhowr qeybood oo ay ku sugan yihiin ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid.

Ciidamada ayaa ku sugan Isgoyska Banaadir, Zoope KM4, Taleex, Dabka illaa Sayidka, waxaana ciidamada ay dadka dib uga celinayaan waddooyinka jid cadayaasha ee soo aada wadada Maka Al-Mukarama.

Sidoo kale waxaa xiran jidka ka baxa Hotelkii Jubba ee taga illaa Guriga Hooyooyinka, waxaana dadka ay ku marayaan meelaha qaar si lug ah, halka meelo qaarna looba diidayo lug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinka muhiimka ah ay u xiran yihiin, imaansaha wafdi ka socda Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika.

Dadka Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda cusub aysan waxba ka bedelin balan-qaadkeedii ahaa inay joojineyso xiritaanka waddooyinka oo dowladdii hore looga bartay, waxaana xaalka u muuqdaa in jidkii dowladdii hore inay ku socoto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Maxamed Daacad Muqdisho.
Galcad44@gmail.com.

COMMENTS