July 29, 2015 | Posted by admin

Waddooyinka Gala Xarunta Afisyooyinka ee Ex Ciidamadii Cirka Soomaaliya ayaa saaka gebi ahaan xiran.

Xarunta ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo maanta shirka New Deal ee Higsiga Cusub 2016, kaas oo ay ka qeyb galayaan Masuuliyiin iyo Hay’ado heer Caalami ah.

Shirkaas ayaa waxaan ka qeyb gali doonin Maamullada Puntland iyo Jubbaland sida ay uga dhawaaqeen xarumahooda.

Si kastaba shirka New-Deal ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay doorasho xor ah ee dalka lagu qabto, horumarka iyo ammaanka dalka.

COMMENTS