August 7, 2017 | Posted by admin

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ayaa dhigay Banaanbax ballaaran oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyin adag oo loogu gaysto wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ay dhigeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajka, ayaa salka wuxuu ku hayaa in loo diiday inay ka soo gudbaan wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho, horayna waxaa looga xiray wadooyinkii Jidcadyaasha ahaa ee xaafadaha Muqdisho dhexmari jiray.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu yimid Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay dhigeen Mootooyinkii ay ku shaqeynayeen, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Dowladda Somaliya.

Intii Banaanbaxa ay dhigaayeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, ayaa waxaa goobta soo gaaray Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo dadkii banaanbaxa dhigaayay halkaasi kula hadlay.

Wuxuu u sheegay Banaanbaxayaasha inay isdajiyaan oo dhibaatada ay ka cabanayaan wax laga qabanaayo, Shan ruux oo guddi ahna ay iska soo saaraan, si xarunta Dowladda hoose ay u tagaan, kadibna laga shiro caqabada haysata wadayaasha Mootooyinka Bajaajta.

 

COMMENTS