January 10, 2018 | Posted by admin

Maanta oo ay ku beegan tahay 10-ka janaayo
waxaa lagu waday in Magaalada Dhuusa Mareeb
ee Caasimadda Maamulka Galmudug lagu qabto
shirka dhameystirka wada Hadalada Galmudug
iyo Ahlu Sunna, walloow dib udhac uu ku yimid.

 

Ujeedada dhib udhaca Shirka ayeey Guddiga
qaban qaabada Shirkaan u qaabilsan Ahlu Sunna
ay Warbaahinta ugu sheegeen in ay tahay arrimo
Farsamo, dibne uu qabsoomayo Shirka.

 

Shaacir Sheegow waa Gudoomiyaha Guddiga
Qaban-qaabada iyo Soo dhaweynta Ka qeyb
galayaasha Shirkaasi, waxa uu  sheegay in ay wadaan ka baaraandegga
waqtiga kale ee Suurta galka ah sidii Gogosha
loo dhigi lahaa.

 

Qaban qaabada Soo dhaweynta Xubnaha ka
qeyb galaya Shirka, Sugidda Amniga Magaalada
Dhuusa Mareeb, Hagaajinta Nadaafadda,
Abaabulka dadka deegaanka si ay kaga qeyb
qaataan Soo dhaweynta Martida iyo kuwo kale
ayuu sheegay in haatan ay socdaan.

 

Wararka Qaar ayaa sheegaya in dib udhaca uu sabab u yahay Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo wali ku sugan
Deegaanada Puntland, waxaana Qorshuhu ahaa
in isla maanta uu ku sugnaado Magaalada
Dhuusa Mareeb si Gogosha ay u furanto.

COMMENTS