December 17, 2014 | Posted by admin

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Addis Ababa uu dib uga bilowdo wadahalka u dhexeeya dhinacyada isku haya colaada South Sudan, maalin un kaddib markii ay sanad jirsatay colaadaasi.
Urur goboleedka IGAD oo dhex dhexaadinaya labada dhinac ayaa ugu baaqay in ay si degdeg ah xal uga gaaraan dagaalka ay ku dhinteen kumannaanka qof.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon oo Isniintii ka hadlay colaada South Sudan ayaa ku tilmaamay mid ah musiib bani’aadanka uu gacmihiisa ku keensaday.
Waxa uu sheegay in xalka uu ku jiro in Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar, ay ka gudbaan khilaafkooda, ayna ka wada shaqeeyaan nabadda.
Balse wadaxaajoodka u dhexeeya labada dhinac oo caasimadda Addis Ababa ka bilowday bishii January ayaan guul laga gaarin. Marar badan ayaa wadahadalkha dib loo dhigay, waxaana labada dhinac ay dhowr jeer ku heshiiyeen xabbad joojin, taasi oo aan dhaqan galin.
Labada dhinac ee isku haya colaada South Sudan, ayaa sidoo kale ku guul dareystay in ay ku heshiiyaan habka ay u qabeysanayaan awoodda dalkaasi.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhinacyada isaga soo horjeeda South Sudan, ay wadaan abaabul ciidan, ayna suuragal tahay in dagaal xooggan uu dib u bilowdo.
Kumannaan qof ayaa ku dhintay dagaalka sanadka ka socday South Sudan, in ka badan laba milyana waa ay ku barakaceen.

COMMENTS
  1. I really enjoy the blog.Much thanks again. Fantastic.

  2. Sweet blog! I found it while surfing around on Yahoo News. Do you have any suggestions on how
    to get listed in Yahoo News? I’ve been trying for a while but I never seem
    to get there! Many thanks

  3. Im grateful for the blog.Much thanks again. Cool.