July 6, 2015 | Posted by admin

Ayuub waxu ahaa reer Rome oo silsiladiisa nasab ay gasho Isxaaq Bin Ibraahim ( isxaaq waxuu dhalay Yacquub oo ay ka beermeen reer bin israaiil iyo Ciisowe oo ay ka beermeen reer Rome) waxaana la sheegaa in hooyadi ay ahayd gabadhii nabi Luud c.s.w, isla markaa qaar baa qaba in aabihi u ahaa kuwi rumeeyey ibraahim maalinti lagu tuuray dabka si loo gubo .. Ayuub waa ka mid nabiyada u kaga soo dagay waxyiga xag Alle.

Sida cullimada ay sheegaan Ayuub wuxuu ahaa nin maal badan iyo xoolo aan la koobi-karin, adoomo iyo shaqaalle, wuxuu sido kale lahaa dhulal, guryo iyo ubad badan, balse dhamaantood xoolahaa iyo maalkaas wey dhaafeen oo waa laga qaaday, bal waxaa ku dhacay cuduro kala duwan, mana jirin xubin jirkiisa ka mid ahayd oo u fiyobeyd marka laga reebo qalbigiisa iyo carrabkiisa uu ku xusaayey Alle.

Cudurka wuxuu hayey muddo dheer illa heer ay saaxiibadiis ka haajireen oo xiriirkii qaraabadiisi gooyeen kana tageen, dabadeed cudurkaas awgii waxaa laga saaray magaalada oo lagu tuuray meel qashin qub agtiisa, ma jirin qof u hayey wax wanaag iyo kal-gacalo ah xaaskiisa maahee oo dhawrtay xaqiisi uu ku lahaa dusheeda, dambas ayey ku firdhin- jirtay hoostiisa gogol ahaan, waayo waxay xusuusneyd waqtigi wanaagsanaa ay isla soo qaateen iyo maxabadi iyo naxariisti ka dhaxeysay, waxaa la sheegaa iney ka soo jeeday firkii Nabi yuusuf oo u ahaa awoogeed, waxay ku oran jirtay ayuub, illaaha bari oo tuug oo u dhawaaqo waa intaasoo rabigaa uu kaa saaro dhibta iyo silica aad ku jirto, waxuuse ugu jawaabi jiray: waxaan ku jiray todobaatan sano nolol barwaaqo leh iyo baraare, caafimaad iyo cawa-san ee miyaan u sabri-karin ilaahay darti todobaatan sano oo kale .. waxaa dhageeheeda ka batay jawaabtaa, weyna soo shaqeyn jirtay si ay u hesho lacag ay raashin ugu soo gadi-karto ninkeeda.

Dhamaan imtixaanadaan waxay u kordhiyeen Ayuub xoog iyo adeyg diintiisa ah, iyo sabir, mahad iyo xamdi naq Alle, isago rajeynaaya Ajar inu ka helo xagga waxa ku dhacay .. cudurkaa intu hayey waxaa la tilmaama inu ahaa cudurka Juudaanka uuna ahaa qofki ugu horeeyey u ku dhaco .. cudurka wuxuu ahyey baa la yiraahdaa muddo ka badan 10 sano qaar mudadaa ka yareyana waa jiraan .. Ayuub sabarkiisa waxaa loo soo qaata tusaalle ahaan ummadda dhaxdeeda.

Ugu dambeyn dadkii waxay diideen iney xaaskii ayuub wax shaqo ah siiyaan, waayo waxay ogaayeen iney tahay xaaskii ayuub, oo ay ka soo qaadi-karto cuduradiisa amaba ay la kulmi karto isla imtixaankaa oo kale. markii ay aragtay ineysan cidna siineyn shaqo, waxay u tagtay gabdho ay dhaleen niman madaxi ah oo ka iibisay tidic timaheeda ka mid ah oo ay raashiin siiyeen bedelkeed .. markii ay u timid Ayuub iyadoo raashinkaa wada, wuxuu weydiiyey halka ay ka keentay, isagoo ka xun, waxay tiri: Dad baan u soo shaqeeyey, laakiin maalinti xigtay, markii ay weyday cid shaqo siisa, waxay iibisay tidac kale oo timaheeda oo siisatay raashin, oo u keentay Ayuub .. Ayuub waa u diiday inu cuno oo ka dhaartay jeer ay u sheegto halka ay ka keentay, waxay madaxeedi ka qaaday masarkii saarnaa mise tinba laguma arko. markaasu Alle baryey isagoo leh: Allow waxaa igu dhacay dhibaato adigaana u naxariis badan inta naxariisata.

Ugu dambeyn nabi Ayuub wuxuu rafaad caafimaad-daro soo maraba Alle ayaa markaan u waxyooday oo ku yiri:  ku garaac dhulka lugtaada, oo ku qubeyso oo cab, waxaan dib kugu soo celiyey ehelkaagi iyo maalkaagi iyo wixii la mid ahaa, waxaad ka heleysa caafimaad oo xoolo ka gawrac kafaaro gud ahaan dambiga dadkaaga, una dambi dhaaf

Alle ayaa ugu labisay ayuub labiis xaga janada ah, oo dabeeto meel gees ah iska fariistay .. waxaa timid xaaskiisi oo garan-weyday, waxayna tiri : Adoon allow xagee buu aaday ninkii dhibanaa ee halkaan joogay, waxaan ka baqaya Eeyda iney cuneen. markaasu ku yiri maxaad leedahay, waa aniga Ayuub, Allaha baa ii soo celiyey caafimaadkeygii.

COMMENTS