June 24, 2015 | Posted by admin

Nabi Huud nasab ahaan waxuu ka soo jeeda dhabarkii Nabi Nuux .. Huud Qabiil ahaan waxuu ka dhashay Qabiilkii Reer Caad, waxayna ahaayeen Carab ku nooleyd saxarada Yaman gaar ahaan buuraha u dhaxeeya Cumaan iyo Xadramuut bada agteeda ah .. Huud waxuu ka mid yahay Afarta nabi oo asalkoodu Carab ka soo jeedo ( Huud, Saalax, Shuceyb Iyo Nabigeena Maxamed CSW)

Nabi Huud wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee ku hadla afka carabiga, inkasto qaar kale yiraahdaan waxaa uga horeeyey Aadam Iyo Nuux, laakiin af Carabi fasiixa iyo xeel dheerida suugaantiisa waxaa ugu horeeyey oo ku hadlay Nabi Ismaciil CSW, waxuuna afka carabiga ka bartay Qabiilkii Jurham ee la soo dagay Xaramka isaga iyo hooyadi Haajir.

Reer Caad waxay ahaayeen Nuux kadib qoonkii ugu horeeyey ee caabuda Asnaam, waxay ahaayeen kuwo ku kibra oo ku qooqa arlada si xaq xaqdaro ah oo waxay yiraahdeen: Yaa naga xoog badan? wey dafireen in Alle ee iyaga abuuray uu yahay mid ka xoog badan. waxy u qaateen aakhirada waxaan jirin oo aan dhaceyn iyagoo u qaatay been abuur in alle rasuul ahaan u soo diray Huud. sidaa daraadeed Alle kor Ahaaye wuxuu u diray Huud Nabi Ahaan iyo rasuul ahaan, markaasu ugu yeeray iney rumeyaan oo caabudaan Alle kaliya .. Reer Caad waxay duqeydoodi ku jawaabeen: waxaa noola timid inaan caabudno Alle oo kaliya, ee noo keen waxaa aad noogu goodisay haddi aad run sheegeyso .. Huud oo jawaabaya ayaa yiri ma waxaad igula doodeysaan magacyo aad bixiseen idinka iyo aabayaashiin ee hadaba suga waxa aad codsateen.

Huud waxuu Alle ku yiri: Rabiyow ii hiili waa ibeeniyeen .. Alle wuxuu yiri: muddo yar gudaheed waxay noqon-doonaan kuwa shalaaya .. Alle xoog badane, wuxuu Reer Caad u diray maalmo baas dabeylo masiibo socota ah cadaab hugmeysa, oo iyagi oo dhan majaxaabisay dadkii noqdeen jirid geed oo kale la siibay .. cadaabtaas waxay ku socotay todoba habeen iyo sideed maalmood kagamana ay tagin qof nool .. Reer Caad ma ay helin wax u gargaara .. reer caad intaan la rogin waxay markii hore arkeen daruuro ku kulmaaya cirka, waxay u qaateen iney tahay duruuro u keenaya Roob ay ku nafisaan, waxayse ahayd duruur cadaab ah oo wax baabiineysa .. Nabi Maxamed s.c.w markasta u arko daruuro cirka daboola wajigiisa waa is badali jiray oo soo gala gurigiisa marna ka baxa, oo haddi Roob keento wuu farxi jiray .. nabi maxamed waxaa laga wariyey oo u yiri: Daruurahaas markii la arko waxay noqon-karaan wixii ay la kulmeen reer Caad , waana la duceystaa

Qabriga Huud waxaa la sheegaa inu ku yaal cariga Yaman walow kuwa kale ku sheefgaan inu ku yaal Dimashaq.

COMMENTS