June 26, 2015 | Posted by admin

inkasto xaga culimada ahlu kitaabka ee taariikhda xardha ay isku maan-dhaafsan-yihiin axwaashi reer Nuux, haddana waxaa in badan isku raacsan-yihiin in inta badan ee ilmo Nuux Daadkii kadib dhasheen, walow la tilmaamay in wiilka Kancaan u dhashay Daadkii ka hor kuna dhintay, waxaa kalo la tilmaamay in gabar la oran jiray Caabirna ay iyadana dhimatay Daadka ka hor .. dhinaca kale waxaa xoog badan in sadexda wiil ee Xaam, Saam iyo Yaafith ay ku waheliyeen doonta iyaga iyo xaasas-kooda iyo hooyadood, halka wiilka Yaam u ahaa kii aabihi u dhawaaqay oo ku yiri wiil-keygiyow na soo raac oo u ka diday, dabeetana isaga iyo hooyadiis biyihi ku qarqameen.

Yaafith wiil u Awoow ka awoowe u ahaa ayaa sidi awoowigi Nuux ku dayasho Doon sameystay, dabadeed isaga iyo ehelkiisi ayaa waaga marku feytay u jahaystay arlada hadda loo yaaqaa China, halkaas ayey dageen oo camirteen, isla markaa mid ka mida faracii Yaafiith oo la oran-jiray Saani afka carabiga ku noqotay Siin(china) ayaa halkaas ka aasaasay xukun boqortooyo qarni ka qarni ay iska dhaxlaan, hasa ahaate waxay ka leexdeen dardaarankii Aabe Nuux dardaarankiisi u dambeeyey ilmihiisa oo yiri; waxaan idin ku amraya inaad haysataan oo qabsataan ictiqaadaka inusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allah ( laa-ilaaha illal laah) waa kalmad shahaado ka culeys badan miisaanka todobada Samo ayuu yiri .. balse taas ma ay yeelin oo ilma Boqor Saani waxay waalidiin-tood u sameeyeen taalooyin-Asnaam Dahab ah oo ay ku caabudaan, shirkina ku sameeyeen.

Yaafith waxuu dhalay qoomka loo yaqaan Juuju-wama-Juuju oo sida la sheegay tiro badnaan inta ay ka qabaan lama ogaan-karo cadadkooda, laakiin waxaa la tilmaamay iney ka kooban-yihiin 40 qabiilo oo suurada ay u abuuran-yihiin iyo shawa-haadooda midba gaar u yahay, qabiil kastana wuxuu leeyahay Boqor iyo luqo u gooni ah. kuwa gaagaaban iyo kuwa dhaa-dheerba intaba waa leeyihiin .. waxay kalo leeyihiin dhago waaweyn oo midna ay gogol ka dhigtaan mida kalana wey huwadaan .. Quud-kooda cunto waxuu ka koobanyahay hilibka Dadka,malayga, masaska, shimbiraha Iyo Tukaha iyaguna dhexdooda waa is dilaan waana is cunaan.

Dadka Taariikhda, waxay xusaan in luqadaha aduunka guud ahaan ay asalkooda ka koobn-yahay 72 luqa-dood oo 37 ka mida tiradaas ay ku hadlaan firka Yaafith, halka 23 luqo ay ka soo jeedaan firka Xaam iyo 12 lagu sheego iney ku hadlaan Reer Saam .. Sida la cadeynaayo Yaafith bin Nuux waxaa dhabarkiisa ka beermay 37 qoom oo mid walba yeeshay af gooniya, waxaa kalo la sheegaa in nasabkiisa dhabar ay ka beermeen umadaha ay ka mid yihiin ruushka, turkiga qaarkiis, furus-iiraanta loo yaqaan, Jabaan, shiinaha, Bulgaarka, Griiga, Juju-wamaa juuju iyo in badan oo ka mida yurubta. .

Nabi Maxamed c.s.w ayaa majliskii fadhigiisa ku xusay in habeenkii dheelmitaankiisi Samada u jidka ku sii maray qoomka juuju-wamaa-juuju oo ugu yeeray dacwada Alle, hasa-ahaate intey sidaas u eegeen ayey ka dhaqaaqeen

COMMENTS