March 20, 2012 | Posted by admin

M/Weynaha Mareeg State Dayib iyo Safiirka Ethiopia U Fadhiya Ugandha

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA M/WEYNAHA MAREEG STATE MUDANE. DAYIB

RIIX HALKAN HADUUSAN REALPLAYER KU SHAQEYNEYN

Idaacda afka Soomaaliga ee VOA ayaa waraysi la yeelatay M/weynaha Maamul Goboleedka Mareeg State Mudane. Dayib Maxamud Sheikh oo socdaal diblomaasiyeed ku kala bixinaya dalalka Afrikaanka ah ee ciidadamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

M/weyne Dayib ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Musaveni, Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Ugandha iyo waliba isagoo shirar la galay safaaradaha Maraykanka ee fadhigeedu yahay dalka Uugandha iyo Kenya, Waxuuna madaxweynaha ka hadlay xiliga kala guurka Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dastuurka dalka yeelanayo iyo safaradiisa uu ku joogo Afrika.

Madaxweyne Dayib ayaa muujiyay inuu dadaalo farabadan u gelayo sidii uu u meelmarin lahaa Dowlad Goboleedka Mareeg State, waliba isagoo cadeeyay inuu Maamulkan ka shaqeyn doono sidii ummada Soomaaliyeed la iskugu keeni lahaa walibana maamulkisu inuu hoostagayo DFKM ee Soomaaliyeed.


NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

MUKTAR KATIITOW


COMMENTS
  1. Abdirisak said:

    ASC / Dhamaan Umadda ku Aftirsata MAREEG STATE meelkasto oo aad aduunka ka joogtaanba , Salaan kadib waa farxad in shaley iyo maanta isku halaheen , maanta iyo birina iskuhal ahaaneeyn mahadaasna alaa iskaleh .
    walaalayaal aan wanaaga isla jeclaano waxa nawadda sugaya waa umadeenii aan ka dhalanay iyo dhulkeenii aan u dhalanay oo maanta gacankale kujuro , walaalayaal Gabdho iyo wiilalba hadaan qaldanahay ama aan isfahmi weeynay isaxa ii hagaajiya hadalka hadaan kufirabana garbaha iga gala la aan tiin waxaan ahay majirtee waxaan wax ku ahay waa idinkee , intaan noolnahayna waxaan kunoolnahay rajada Eebe ee aan gacmaha isqabsano oo aan shaqo galno , waxa nasugaya waa howlee .
    igana raali noqda dhamaantiin .