March 5, 2012 | Posted by admin

Vladimir Putin iyo taageerayaashiisa ayaa u dabaaldagaya guusha doorashooyinka madaxtinimada oo uu isagu haatan ku guuleystay.

Inkastoo aanan si rasmi ah loogu dhawaaqin hadana codadka ilaa iyo iminka la tiriyey ayaa muujinaya inuu helay 64% codadka la tiriyey.

Tani waxay ka dhigeysaa in uu xakumayo dalka Russia sadex xilli oo laba ka mid ah ay isku xigeen.

Mr Putin ayaa u sheegay taageerayaashiisa magaalada Moscow inuu ku guuleystay doorasho furan oo daacad ah oo dalka ka dhacday.

Laakin kooxaha mucaaradka ayaa sheegtay in ay jirtay wax is daba marin iyo kushubasho cad oo ka dhacday guud ahaan dalka dalka, waxa ay intaasi ku dareen in ay qorsheynayaan dibadbax maanta ay ku qaban doonaan Moscow.

Gudiga madaxa banaan ee doorashada ayaa sheegay in uu Mr Putin ku guuleystay 50% codadka la dhiibtay taasi oo wax yar ka badan codadka murashaxiinta kale.

COMMENTS