October 12, 2017 | Posted by admin

Ururuka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay heshiis la gaareen ururka Fatax ee ay is hayeen, arrintaas oo soo afjaraysa is maandhaaf toban sano soo taagnaa.

Xamaas oo maamusha marinka Qaza ayaa sheegtay in faahfaahinta heshiiska la baahin doona galinka dambe ee Khamiista, Fataxse wali arrintan kama hadlin.

Masar ayaa labadan garab ku dhexdhexaadinaysa wadahadallo ka dhacay magaalada Qaahira.

Falastiiniyiinta ku kala nool marinka Qaza iyo Daanta Galbeed ayaa la kala maamulayay tan iyo markii ay labadan kooxood dagaalameen 2007dii.

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee HPIS ayaa shaacisay go’aankan, waxayna itaas ku dartay in faahfaahinta lagu sheegi doono shir jaraa’id oo ka dhici doona magaalada Qaahira maanta duhurkii.

COMMENTS