December 5, 2016 | Posted by admin

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ugu baaqay dalalka Caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gargaaro dad ay abaaruhu saameyeen ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ka dalbaday dalalka ka mid ah ururka in ay qaadaan tilaabooyin deg deg ah oo lagu caawinayo dadka ku sugan Soomaaliya ee abaaraha ay saameynta ku yeesheen.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in  ay ku dadaali doono sidii loo caawin lahaa dadka ku xoolo beelay abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

 Madaxda ururka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay ka shiri doonaan abaaraha ka jira Geeska Afrika.

Waxa ay xuseen in ay kasii dareyso abaarta ku dhufatay Soomaaliya oo Saameyn Ba’an ku yeelatay dadka xoolo dhaqatada ah.

Hadalka kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kusoo beegmaya  xilli abaaro ba’an oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ay ku dhufteen inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Maxamed Daacad Muqdisho.
COMMENTS