May 21, 2015 | Posted by admin

032D6CB7-9DA4-4203-A663-139648B7441C_w268_r1
Magaalada ayaa gashay gacanta ururka Daacish kaddib markii ay ka baxeen ciidamada dowlada Siiriya,waxaa jira cabsi ku aadan mowjada kale oo ah burburinta aan dib u soo kabasho lahayn ee goobaha taariikhiga ah ee Muslimiinta.

Urur fadhigiisu yahay dalka Britain oo u doodda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in xooggaga Siiriya ay dib uga gurteen dhammaan magaalada kaddib jirkii uu dagaal culus uga yimid dhanka dagaalyahaniinta ururka Daacish oo ku sugnaa dhinaca waqooyiga ee magaaladaasi.

Goobaha taariikhiga ah ee magaalada Tadmur waxay ku jiraan dhulka hay’adda Qaramad Midoobay ee UNESCO u aqoonsatay goobaaha ilaashan ee taariikhiga ah.

Mamoun Cabdulkarim oo ah madaxa qalabka taariikhiga ee dalka Siiriya ayaa sheegay in boqolaal ka mid waxyaabihii taariikhiga ahaa horay looga sii daad-gureeyey magaalada oo ay hadda yaallaan goob aamin ah.

COMMENTS