June 9, 2012 | Posted by admin


Fu’aad Maxamed Qalaf Shongle oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Al-Shabaab ayaa waxa uu ka hadlay lacagihii dhawaan Dowladda Mareykanka ay sheegtay inay siinayso ciddii soo sheegta todobo Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wuxuu Sheegay in Al-Shabaab ay abaalmarin siin doonaan ciddii aqbaar ka keenta Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama iyo xoghaya arrimaha Dibadda Dalkaasi Mareykanka Haweeneyda la yiraahdo Hillary Clinton.

Fu’aad Shongle oo ka mid ah xubnaha Dowladda Mareykanka ay lacagaha duldhigtay cidii soo sheegta ayaa wuxuu sheegay in Brack Obama Ciddii soo warbixin ka keenta ay ururka Al-Shabaab siin doonaan abaal marin dhan 10 neef oo geela, sidoo kale wuxuu carabka ku dhiftay ciddii xog ka keenta Hillary Clinton oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Dalka Mareykanka ay siin doonaan 10 dooro ah iyo 10 diiq ah sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab wuxuu sheegay in aysan marna baqdin galinayn lacagaha dowladda Mareykanka ay sheegeen inay siinayaan cidii soo sheegtay todobo hogaamiye oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo Ururka Al-Shabaab ay hadal ka soo saaraan abaal marin dhawaan Dowladda Mareykanka ay sheegtay in Madoxooda ay ku bixinaynso Sarkiil ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa maalin ka hor shaacisay inay abaal marin lacageed siinayso cidii soo sheegta 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo kala Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo ah aasaasaha Al-Shabaab, Ibraahim Xaaji Jaamac, oo ah aasaase Al-shabaab, Madaxa maaliyadda Fu’aaad Maxamed Khalaf, Taliyaha Military-ga Bashiir Maxamed Maxamuud, Madaxa Sirdoonka Zakariya Ismaaciil Axmed Xirsi, Mukhtaar Roboow iyo Cabdullaahi Yare.

COMMENTS