July 15, 2017 | Posted by admin

Qaramada Midoobay waxay hadda 17.5 milyan ku maalgelinaysaa barnaamijyo dhallinyarada Soomaaliyeed siinaya tababar farsamo iyo kuwo xirfadeed, barayana xirfadaha loogu baahanyahay dhinacyada wax soo saarka sida caafimaadka, dhismaha, injineernimada makaanikada, beeraha iyo kalluumeysiga, iyo weliba halabuurka ganacsiga.

 

“Barnaamijyadan waa maalgashi weyn, aad bayna u qiimo badanyihiin, laakiin keligood ma dabooli karaan baahida ballaaran ee Soomaaliya ka jirta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Waxaan jecelahay inaan ka fa’iideysto fursadda Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada si aan ugu baaqo Soomaaliya iyo saaxiibadeeda inay lacag badan ku maalgashadaan tababar farsamo iyo mid xirfadeed ee la siiyo dhallinyarada.”

 

Ergeyga Gaarka ah wuxuu intaa raaciyay in lacagta lagu maalgasho xirfadaha dhallinyarada ay tahay maalgashi lagu sameeyay Soomaaliyada waqti xaadirka maanta iyo ta mustaqbalka.  Haddii la helo waxbarasho sarreysa, xirfadaha iyo kartida loo baahanyahay, iyo fursado shaqo oo wanaagsan, dhallinyaradu waxay gacan ka geysan karaan dardargelinta horumar laga gaaro Ajendaha 2030, iyagoo xoojinaya inay dadkoo dhan helaan deegaan barwaaqo ah, la joogteyn karo, loona siman yahay.

COMMENTS