October 11, 2017 | Posted by admin

In ka badan 1,550 qof ayaa u dhintay cudurka Daacuunka ee ka dillaacay gobollada Bariga iyo Koonfureed tan iyo bilowgii sanadkan, sida laga soo xigtay Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF).

Wadamada cudurkan uu aadka u saameeyay ayaa waxa ay kala yihiin Angola, Burundi, Kenya, Malawi, Mozambique, Rwanda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Zambiya iyo Zimbabwe.

Hay’adda UNICEF ayaa walaac ka muujisay nolosha 25,000 oo haatan la liita xanuunno, waxayna intaa ku dartay inay xaaladda ka sii dari karto tan iyo dabayaaqada Bisha December ee soo socota.

Afhayeen u hadlay UNICEF ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la gaarsiiyo biyo nadiif ah, adeegyada nadaafadda aasaasiga u ah iyo dawo si loo joojiyo faafitaanka cudurkan laga hortagi karo,

Dhanka kale Hay’dda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay dad badan oo adduunka dacaladiisa ku nool in ay sanad walba u dhintaan biyo wasakhaysan oo ay cabeen.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS