February 22, 2012 | Posted by admin

New-York- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dartay Mulkiilaha Shirkadaha adeegyada isgaarsiinta ee ZAAD iyo Hormuud liiska ashkhaasta laga xayiray hantida ay haystaan iyo dhaq-dhaqaaqyada safar ee kaleba. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal soo baxay maalintii shalay oo lagu baahiyay bogga guddida golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya iyo Ereeteriya.

Qoraalkan oo ku qornaa afka Ingiriisida ayaa sidaan u turjuman: ” Guddida Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyaga oo tixgelinaya qaraarradii 751 (1992) iyo 1907 (2009) ee khuseeyay Soomaaliya iyo Ereeteriya, waxay maalintii shalay ee taariikhdu ahayd 17 February 2012, waxay hal qof ku soo kordhiyeen liiska xubnaha la xayiray safarradooda iyo hantidooda gaar ahaaneed labadaba.

(12) Jim’ale, Ali Ahmed Nur

AKA: JIM’ALE, Ahmed Ali

AKA: JIM’ALE, Ahmad Nur Ali

AKA: JIM’ALE, Sheikh Ahmed

AKA: JIM’ALE, Ahmad Ali

AKA: JIM’ALE, Shaykh Ahmed Nur

DOB:dhashay 1954

POB: ku dhashay Eilbur, Somalia

Nationality: Somalia

Alt. nationality: Djibouti

Passport: A0181988 (Somalia), exp. 23 January 2011

Location: Djibouti, Republic of Djibouti

Ali Ahmed Nur Jim’ale (Jimcaale) wuxuu door hoggaamineed ka soo qaatay golaha maxkamadaha islaamiga ah ee Soomaaliyeed, oo sidoo kalena loo yaqaannay midowga maxkamadaha Islaamiga ah, isla markaasna ahaa urur Islaami ah oo xagjir ah.

Xubnihii ugu xagjirsanaa ee Midawga maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed waxay markii dambe samaysteen kooxda loo yaqaanno Al-Shabaab.

Guddida Golaha ammaanka ee QM ayaa bishii April 2010 Al? Shabaab ku soo rogay cunaqabatayn, iyaga oo tixraacaya qaraarradii khuseeyay Somalia iyo Ereeteriya ee summadahoodu kala ahaayeen 751 (1992) and 1907 (2009).

Guddidu waxay u diiwaangeliyeen Al-Shabaab inay tahay hay’ad ku fooggan falal si toos ah iyo si dadban ba u waxyeellaynaya ammaanka, nabadgelyada, iyo degganaanshaha Soomaaliya, kuwaas oo aan ku xaddidnayn falalka hadimeynaya dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Marka loo eego warbixinta ku taariikheysan July 18 2011 ee Guddida Kormeerka cunaqabataymaha Soomaaliya iyo Ereteriya (S/2011/433), Jimcaale waxa loo aqoonsansaday ganacsade caan ah iyo xubin ka tirsan meertada ganacsiga dhuxusha iyo sonkorta ee Al-Shabaab, isaga oo sidoo kalena ku macaashay xiriirka mudan ee uu la wadaago Al-Shabaab.

Jimcaale waxa sidoo kale loo aqoonsaday inuu ka mid yahay maalgeliyeyaasha waaweyn ee Al-Shabaab, uuna taabacsan yahay afkaartooda iyo mabaad’iida ay ku dhisan yihiin. Jimcaale wuxuu dhaqaale wanaagsan iyo taageero siyaasadeedba u fidiyay Xassan Daahir Aweys oo isaga laftiisu ku jira Liiska Guddida xayiraadaha Soomaaliya iyo Ereeteriya.

Ku-xigeenkii hore ee Amiirka Al-Shabaab Mukhtar Roobow ayaa sidoo kale la weriyey inuu isku hawlay xiriirin siyaasadeed oo ururka dhexdiisa ah intii lagu guda jiray bartamihii 2011. Roobow wuxuu ka hawlgalay dadaal uu ku kobcinayo ujeeddooyinka midaysan ee Aweys iyo Jimcaale iyo sii-adkaynta kaalinta ay ku yeelanayaan hoggaaminta Al-Shabaab, inta uu socda dildillaaca ururku.

2007-dii, Jimcaale wuxuu Djibouti ka aasaasay shirkad u daneysa dhaqdhaqaaqyada xagjirka ah, oo loogu yeero: “Kooxda maalgashadeyaasha”. Qorshaha dhaw ee kooxdu wuxuu ahaa maalgelinta mintidiinta iyo iibinta hubka, si loo khalkhal-geliyo Somalia. Kooxdu waxay gacan siisay in hub yaryar oo badan laga tahriibiyo Ereteeriya, Djibouti la sii mariyo, deetana sidaas lagu geliyo kilinlka 5aad ee Ethiopia, halkaas oo ay kooxaha xagjirka ahi ka heleen shixnadda.

Bartamihii 2008, Jimcaale wuxuu sii waday inuu ka hawlgalo kooxda maalgashadayaasha. Dabayaaqadii September 2010, Jimcaale wuxuu aasaasay adeegga ZAAD oo ah lacago la isugu xawilo Moobaayllada, waxaanu heshiis kula ahaa Al-Shabaab, si lacagaha laysku dirayaa u noqdaan kuwo bilaa summad ah, iyaga ka baxsanaya in la ogaado aqoonsiyada cidda lacagta dirtay i.w.m.

Dabayaaqadii 2009, Jimcaale wuxuu yeeshay maalgelin xawaaladeed, taas oo uu ku ururiyay Zakooyin uu ku caawiyay Al-Shabaab.

Jimcaale wuxuu sidoo kale maamulaa Isgaarsiinta Hormuud. Hormuud waa Shirkad loo aqoonsan yahay inay ka mid tahay maalgeliyeyaasha ugu ballaaran ee Al-Shabaab, isaga oo boqollaal kun oo Doollar u fududeeyay.
Hormuud waxa hawlgeliya dhawr ka mid ah saamileydii Al-Barakaat-dii hore, laakiin Jimcaale ayaa iska leh saamiga ugu badan ee shirkadda. Si taas la mid ah, maamulka Hormuud waxay adeegyo gaar ah oo isgaarsiineed u fududeeyeen hoggaanka Al-Shabaab, sida, Sheekh Xassan Turki oo ah hoggaamiye milatari oo sidoo kale ku jira liiska xubnaha QM xayiraadda ku soo rogtay. Hormuud waxay sidii kale Al-Shabaab u fidisay kaalmo dhaqaale iyo mid loojistikeed oo ay ku jiraan hub, rasaas, dagaallameyaal khaas ah iyo wixii la mid ah. Afhayeen u hadlay kooxaha qunyar-socodka Soomliyeed ayaa sidoo kale uga digay dadka Soomaaliyeed adeegsiga Isgaarsiinta Hormiid, maxaa yeelay, hawlwadeennada Hormuud waxay ka dhegaystaan wada-hadallada Teleefan ee khuseeya Al-Shabaab. Waxa intaas dheer, Hormuud waxay goysaa gebi ahaanba adeegyada Teleefannada, xilliyada ay Al-Shabaab weerarayso ciidamada Taabacsan dawladda kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.” ayaa qoraalka lagu soo gebagebeeyay … Qoraalka Liiskan oo dhammaystiran waxaad ka heli kartaa: //www.un.org/sc/committees/751/pdf/1844_cons_list.pdf.

COMMENTS