July 18, 2015 | Posted by admin

141004030030_somali_fgm_safiya_cabdi_xaase_512x288_bbc
Haweeney ka tirsan xisbiga Liberal Democrats-ka oo la yiraahdo Lady Tonge ayaa waxay la xiriirtay Booliska, ka dib markii ay garoonka Heathrow ee magaalada London ku aragtay koox badan oo gabdho ah oo sabtidii ka ambabaxayey halkaas.
Gabdhaha oo da’dooda lagu sheegay 11 – 17 jir waxaa la socday hooyooyin iyo ayeeyooyin.
Booliska Bedfordshire ayaa laba gabdhahaas ka mid ah ka hor istaagay inay garoonka ka dhoofaan, waxayna sheegeen inay baaritaan ku samaynayaan hadalka Lady Tonge.
Mar ay BBC-da la hadlaysay ayey Lady Tonge sheegtay in gabdhuhu ay ku hadlayeen afka ingiriiska, laakin asalkooda uu soomaali yahay.
Waxay kaloo ay sheegtay in 11kii July ay raaci lahaayeen dayaaradda Ethiopian Airlines oo u socotay Addis Ababa, halkaasoo ay uga sii duuli lahaayeen Muqdisho.
Lady Tonge iyo mudanaha xisbiga Shaqaalaha ee laga soo doorto Halifax, holly Lynch, waxay iyaguna u socdeen Addis Ababa oo ay kaga qayb galayeen shirka horumarinta maalgashiga.
Gudniinka gabdhaha ayaa sharci darro ka ah UK, ciddi lagu helana waxaa jira sharci u ogolaanaya booliska inay baasaboorka ka qaadaan, waxaana ka sii daran in ciddii lagu helo ayadoo gabdho yaryar u dhoofinaysa si loo soo gudo ay mudan karto xabsi.
Waxaa iminka la joogaa ama soo dhow wakhtigii ardayda laga fasixi lahaa iskuullada, Nick Bellingham oo ka tirsan booliska Bedfordshire wuxuu sheegay in ay indhaha ku hayn doonaan gabdhaha yaryar ee dibadda u dhoofaya.
Booliska Scotland Yard Ingiriiska ee ayaa iminka baaraya ilaa 50 gabdhood oo la sheegay in laga kaxeeyey UK oo la geeyey Somalia si loogu gudo.

COMMENTS