October 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR-In ka badan 15 madax oo ka kala socota dalalka caalamka oo ku sugan dalka Uganda ayaa maanta lagu wadaa in ay ka qeyb galaan sanad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii uu dalkaasi xorriyadda qaatay.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa xuska xorriyadda dalka Uganda waxaa ka mid ah, madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud oo safarkii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay bishii hore ku tagay dalka dibeddiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in uu kulan la qaato qaar ka mid ah madaxda isugu imaaneysa munaasabadaas, sida dhiggiisa dalalka Uganda  iyo Kenya Muzavani iyo Kibaki kuwaasi oo ay ka wada hadli doonaan isbeddellada ka dhacay dalka.

Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ka mid ah madaxda lagu marti-qaaday ka qeyb-galka munaasabadda.

Uganda waxay ka mid tahay waddamada Afrikaanka ah ee ciidamada u soo diray Soomaaliya si ay dowladda uga taageeraan la dagaallanka maleeshiyada al-Shabaab si ay uga mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana dalkooda ku nool qaxooti badan oo Soomaali ah.

COMMENTS