June 24, 2016 | Posted by daacad yare

Xukuumadda Uganda oo ah dowlada ciidamada ugu badan ee ka Tirsan Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga sugan yihiin Somalia, ayaa shaacisay  inay ciidamadeeda la baxayso Sannadka soo socda ee 2017-ka.

Uganda ayaa waxay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah u soo dira Soomaaliya Sanadkii 2007-dii, iyadoo sanado kaddib ay kusoo biireen Ciidammo kale oo Afirkaan ah, kuwaas oo qaatay magaca AMISOM, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladdii Somalia.

Ciidanka Midowga Afrika ee Somalia ku sugan [AMISOM] oo ay Tiradoodu ka badan tahay 22,000 Askari, ayaa 6,200 oo Askari oo ka mid ahi ka Socdaan dalka Uganda, halka inta kalena – ay ka kala socdaan Dalalka; Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

“Waxaanu qorsheynaynaa inaanu ciidamadeenna kala baxno Somalia laga billaabo bisha December ee Sannadka 2017-ka,” ayuu yiri Taliyaha Millateriga Dalka Uganda, Jen. Katumba Wamala oo Maanta War-fidiyeenka kula hadlayay magaalada Kampala ee Xarunta Waddanka Uganda.

Jen. Wamala ayaa intaas ku daray. “Go’aankaan waa mid ay Uganda si toos ah u qaadatay, waxaana ku war-gelinnay xubnaha gacanta siinayay ciidanka Midowga Afrika ee Somalia ku sugan.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, ayaa kusoo beegmaya iyadoo Afhayeenka Millateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda uu bishii lasoo dhaafay sheegay in dib u eegis lagu Sameynayo ku lug-lahaanshahooda Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

COMMENTS