Amaanka dalka Uganda ayaa la adkeeyay kadib markii la sheegay in dalkaas uu soo galay nin Somali oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay ururo Argagixiso.
Booliska dalka Uganda ayaa sheegay inay heleen sawirka nin Somali oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay urruro argagixiso.
Ninkaan ayaa la cadayn halka sida rasmiga uu u joogo iyo baasaboorka uu ku safrayay waxaana Booliska ay shegen in wada shaqeynta kala dhaxeya Booliska adduunka ee Interpol ay ka caawisay inay ogaadan in ninkaan uu joogo gudaha Uganda.
Booliska Uganda ayaa sheegay in Maxamed Liibaan Xaaji uu yahay ama uu ka tirsan yahay shabakado argagixiso isla markaasna amarl lagu bixiyay in la adkeeyo amanka dalka Uganda guud ahaan.
Afhayeenka Booliska dalka Uganda Samson Kuteesa ayaa sheegay in ninkaan ku dhumaalaysanaayo qeybo kamid ah dalka Uganda.
“waxa haynaa sawirkiisa wali baaritaan aya wadna waxana jiray qorshe aan qadayno oo lagu soo qabanayo ninkaan oo ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska dalka uganda.
Dowladda uganda ayaa ka cabsi qabto inay weeraro kala kulanto ururo argagixiso oo ay kamid yihiin Al Shabab iyo AL Qaacida.
“waxaa jira hanjabaado ka imaanaaya kooxaha argagixiso oo ku aadan danaha Maraykanka,Kenya iyo uganda ayuu yiri Afhayeenka Booliska Kenya.
Booliska Uganda ayaa wada baaritanno ay ku samaynayaan Hotelka,Maqaayadaha,Goobaha gawaarida laga raaxo meelaha lagu nasto,goobaha madadaalo isla markaasna ay booliska si aad ah u adkeeyeen amaanka dalka guud ahan

All Posts
BBC 0400 GMT









