March 6, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Shirka Duuliimaadka Turkish Airlines ayaa maanta si rasmi ah uga howl bilowday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya mudo 20 sana ah kadib.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Turkiga Bekiir Bozdog iyo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shekh Axmed ayaa ka qeybgalay munaasabada furitaanka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Adan Cade.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mahadceliyey sida ay Turkiga u garab taagantaya dadka Soomaaliyeed, isaga oo talaabo horay loo qaaday ku tilmaamay duulimaadka shirkadaan caalamiga ah ka bilowday dalka.

Faaruuq Saaser oo ka tirsan madaxda shirkada Turkish Airlines oo isna wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin duulimaadka ay ka bilaabeen Muqdisho, waxaana uu rajo ka muujiyey in Soomaaliya ay mar dhaw kusoo laaban doonto heerkeedii caadiga ahaa.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay noqon doonto dalka 197-aad ee ay ka howlgali doonto shirkadooda, isaga oo intaasi raaciyey in marka hore ay duulimaadka noqon doono mid kasoo bilowda Istanbul, Khartoum iyo Muqdisho, taasi oo macnaheedu yahay in ay soo mari doonto dalka Sudan caasimadeeda Khartoum.

Laakin bilooyin kooban kadib ayuu tilmaamay in diyaarada ay si toos ah uga howlgali doonto Istanbul to Mogadishu.

Dhanka kale ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekiir Bozdog inti uu maanta joogay Muqdisho kormeeray dhamaan xarumaha kala duwan ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho, sida goobaha caafimaadka, quudinta iyo xerooyinka barakaca ee uu sida gaarka ah u kaalmeeyo.

Waxa uu booqday xerada Rajo ee degmada Wadajir halkaas oo ay wali ku noolyihiin qoysas barakac ah oo kasoo cararay abaarihi sanadki hore ku dhiftay dalka, inti uu ku guda jiray socdaalkiisa Rajo waxa uu hadiyadooyin gudoonsiiyey caruurta kuwaasi oo ahaa qalabka lagu ciyaaro.

Xerada Rajo ayuu sidoo kale dhagax dhigay ceel biyood loo qodayo barakacyaasha iyo masaajid weyn oo ay Turkigu dhisayaan.

Kormeerkiisa kuma akeyn oo qura xerada Rajo ee sidoo kale wuxuu tagay xarun lagu daryeelo caruurta agoonta ah oo ku taala magaalada Muqdisho halkaasi oo uu kula kulmay caruur badan oo uu madaxa u soo salaaxay isla markaana soo dhiiri geliyey.

Gabagabadiina wafidga uu hogaaminayey Bekiir Bozdog goor danbe oo galabta ah ayey ka duuleen garoonka diyaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Waa mas,uulki labaad ee madaxa ugu sareyso Turk

COMMENTS