March 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR–Kulan looga hadlayay sidii ay dowladda Turkiga tababar ugu fidin laheyd saraakiisha ciidammada booliska Soomaaliyeed ayaa maanta mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo madax ka tirsan dowladda Turkiga ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

kulankan ay ma’uusliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha iyo xubno ka socday dowladda Turkiga ayaa waxa ay xubnihii ka soo qeyb galay uga dalbanayeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka sidii ay uga gacan siin laheyd tababarada ciidanka oo ay dowladda Turkigu dooneyso in ay siiso ciidammada booliska si sare loogu qaado tayada iyo aqoonta ciidammada.

Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdi Cali Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay kala hadleen mas’uuliyiintii ka socotay dowladda Turkiga  sida ay kaalin uga geysan karaan sidii tababar loogu fidinlahaa ciidamada, isagoo dowladda Turkiga ka codsaday in ay ciidamada ku tababaraan dalka gudahiisa maadaama dalku leeyahay xerooyin tababar.

Sidoo kale wasiiru dowlaha waxa uu ugu baaqay laamaha amniga in ay la kulmaan xubnahaasi si ay gacan uga geystaan u fududeynta codsigaasi ka soo yeeray dowladda Turkiga si loo xoojiyo dhismaha hay’adaha amniga.

COMMENTS